SOMALIMEMO oo dhaleecaynaysa falalka ay dowladdu ku caburinayso Saxaafadda Soomaaliya.

Sunday October 09, 2022 - 11:26:03
Liibaan Jeexoow
Maamulka SomaliMeMo oo cambaareeyey warka kasoo yeeray DF iyo fariin muhiim ahna u diray Shirkadaha bixiya Internetka
Maamulka SOMALIMEMO wuxuu cambaareynayaa gardarrada cad ee dowladda Soomaaliya ku maagtay Shabakaddan oo ah shabakad Soomaaliyeed oo u adeegta Umadda Soomaaliyeed waxyana ay cadeeyneysaa in falkan uu yahay mid ka dhan ah xuriyatul qowlka saxaafadda.

Dowladda Federaallka ayaa warsaxaafadeed ay xalay soo saartay ku sheegtay in Shabakadda SOMALIMEMO ay ka mid tahay mareegaha ay leedahay Xarakada Shabaab, xilli dadka Soomaaliyeed ay ka dharagsan yihiin in Shabakadan ay tahay mid madax banaan oo ku dhawaad 15 sano ka howgaleysay Soomaaliya loogana bartay wararka sugan.

"Waxaan dhaleecaynaynaa falka gurrucan ee ladoonayo in lagu aamusiyo warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaan midda Islaamiga ah ee wararka kasoo tabisa wilaayaatka, suurtagal ma ahan in casrigan aan noolnahay bulshada lacaburiyo" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka SOMALIMEMO.

Waxaan shirkadaha ganacsi ee Soomaaliyeed ee xiriirka wanaagsani kala dhexeeyo Shabakada SOMALIMEMO ugu baaqeynaa in ay ilaaliyaan xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya Shabakadda, wuxuuna maamulku soo dhaweynayaa cid dhaliilo u haya iyo cid waliba oo ku taageereysa howsha warbaahineed ee ay shabakadu ku howlan tahay.

Akhristayaasha waxaan uballan qadaaynaa in marnaba aanan ka gaabin doonin shaqadii warbaahineed ee ay nooga barteen islamarkaana ay sare usii qaadi doono soo tabinta dhacdooyinka dalka iyo dibadda intaba Insha'Allaah.

Related Items

Update cookies preferences