Kim Jong Un: Hadafka Kuriyada Waqooyi Waa Inay Yeelato Awoodda Ugu Badan ee Hubka Nukliyeerka.

Monday November 28, 2022 - 07:02:57
MeMO Staff
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in qoolkiisa u dambeeya uu yahay in uu yeesho awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka, isaga oo dallacsiiyay toboneeyo sarkaal kuwaasi oo ku lug leh tijaabooyinkii dhowaan ee gantaallaha qaaradaha isaga gudba.
Ku dhawaaqistani ayaa timid kadib markii uu Kim kormeeray tijaabada gantaalka cusub ee Hwasong-17 oo ah kuwa qaaradaha isaga gudba ee ICBM, waxaana uu ballanqaaday in uu iska cabbin doono hanjabaadda nukliyeerka ee ka imanaysa Mareykanka uuna kaga jawaabi doono hub nukliyeer ah.

"Dhisidda awoodda nukliyeerka ayaa ah mid ilaalineysa sharafta iyo madax banaanida dowladda iyo dadka, waana hadafkeena ugu horeeya oo ah in aan helno xoogga istiraatijiyadeed ee ugu awoodda badan adduunka, waana xoogga aan horay loo arag qarnigan,” ayuu Kim yiri.

Waxa uu ugu yeeray gantaalka Hwasong-17 hubka istaraatiijiyadeed ee ugu xooggan aduunka waxa uuna sheegay in ay muujineyso ka go’naanta iyo awoodda Kuuriyada Waqooyi ee ay ugu danbeyn ku dhiseyso ciidanka ugu xooga badan caalamka.

Related Items

Update cookies preferences