Sheekh Qaari'ul Qur'aan ah oo si lama filaan ah ugu dhintay dalka Mareykanka.

Saturday April 29, 2023 - 14:21:26
Liibaan Jeexoow
Alle ha unaxariistee waxaa si lama filaan ah ugeeriyooday Sheekhii Qur'aan Ruugga caanka haa ee Cabdalla Kaamil.
Guddiga muslimiinta America ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Sheekh Cabdalla Kaamil uu geeriyooday gelinkii dambe ee maalintii khamiista isagoo aan wax xanuun ah qabin.

Wadaadkan Qaari'ul Qur'aanka ahaa ayaa ku dhintay degmada Brooklyn ee magaalada New York halkaas oo uu ka ahaa imaam muslimiinta Tujiya.

Rabbi ha uraxmadee Sheekh Cabdalla Kaamil ayaa ahaa 38 sana jir dhashay sanaddii 1985 wuxuuna ku dhashay gobolka Fayoum ee dalka Masar.

Ehellada Sheekha ayaa sheegay in uusan jirin wax cudur ah oo uu qabay, bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayuu salaadaha taraawiixda iyo Tahajudka muslimiinta ku tujiyay markazka weyn ee degmada Brooklyn.

Sheekha ayaa indhaha beelay kadib dhalashadiisa balse indha la'aantu kama reebin in uu Qur'aanka barto  isagoo adeegsanaya Bareelka ay isticmaalaan dadka indhoolayaasha ayuu xifdiyay Qur'aanka Kariimka iyo culuumtiisa.

Related Items

Update cookies preferences