Wasiir Juxa "Dowladda Federaalka ayaa soo abaabushay weerarkii garoonka Garowe".

Wednesday May 17, 2023 - 07:45:13
Liibaan Jeexoow
Maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay weerar khasaare dhaliyay oo habeen hore ka dhacay duleedka magaalada Garoowe.
Cabdi Faarax Juxa oo ah wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in weerarka oo ka dhacay meel ku dhow madaarka Garowe ay dhankooda uga dhinteen 2 askari halka ay tiro kale ku dhaawacmeen.

Maamulka Saciid Deni ayaa falkan ku eedeeyay dowladda Federaalka ujeedkuna uu ahaa in laburburiyo sanaadiiqda doorashooyinka.

"Ergeyga Xasan Sh Maxamuud ee Arrimaha dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sh Maxamuud sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in xalay markale weerar lagu qaaday xarun lagu diyaarinayay agabka doorashooyinka balse faah faahin dheeraad ah lagama helin.

Related Items

Update cookies preferences