WARBIXIN:- UPDF iyo xulafadoodu maka guuleysan doonaan Al-Shabaab?

Wednesday June 07, 2023 - 18:40:04
MeMO Staff
Markii uu dhacey weerarkii Buulo Mareer ee Alshabaab ku qaaddey ciidamada Uganda waxa soo baxayey warbixinno tiro badan oo labeenta ama indheer garadka reer Yugaandha isku weydiinayeen faa'iidada ugu jirta dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya.

Haddaba qoraalkani wuxu kamid yahay kuwo tiro badnaa oo aqoonyahanka Yugaandha ay ku qoreen shabakadahooda.

16sano ka hor markii ay ciidankeenna UPDF ku biireen hawlgalka loogu wanqaley AMISOM kaas oo la kiristaameeyay(ah hawlgal saliibi ah) oo immikana loo yaqaan ATMIS ciidankeennu waxa ay la kulmayaan weerraro adag oo kaga imanaya kooxda Alshabaab oo magacoodu noqonayo marka la macneeyo dhallinyaro, waxa ay la wareegeen saldhiggii Buulo Mareer, waxaana la gaarey xilligii aan Kampala weydiin lahayn qorshahaha looga soo baxayo Soomaaliya.

"U malayn maayo in Museveni uu ka fakirey soo afjaridda faragelinta millateri ee Soomaaliya maxaa yeelay waxay uga dhigan tahay arrin la xidhiidha siyaasadda gobolka, laakiin Soomaaliya Soomaali baa leh, maalin uun bayna ka bixi doonaan ciidamada shisheeye”. Sidaas waxa yiri Ibrahim Ssemujju Ngada oo ah xildhibaan reer Uganda ah.

Hawl galladii ugu dhiig daadashada badnaa ee AMISOM soo gaarey waxa ugu cuslaa kii Ceelcadde January 2016 oo ay ku nafwaayeen 200 oo askari oo Kenyan ah.


Marka la eego Uganda, Buulo Mareer waxa ka horreeyay weerarkii 2019 ee Jannaale, kaas oo lagu diley 19 askari(waa intii ay qirteen, waxa se la rumeysan yahay in ay ka badnaayeen).

Baaris uu sameeyay Monitor(wargeyska qoraalkan lagu daabacey) waxa fududaatey in Alshabaab ay si fudud u dhexgasho ciidammada Uganda sababtuna ay tahay jiritaanka qalab yaraan iyo khaladaad badan oo dhanka hawlgallada ah.

Madaxweynaha Uganda oo si caddayn wadata aan u soo bandhigin intee askari ayey Uganda weyday ayaa hoosta ka xarriiqey in UPDF aaney diyaarsanayn markii weerarkii Buulo Mareer dhacay.


Museveni oo aad uga xumaa dhacdadan ayaa xasuusiyey ciidammadiisa iyo dadkii ay khusaysay in hawlgalka Soomaaliya ka socdaa aanu ahayn mid daryeel ee uu yahay howlgal dagaal.


Waa dembi in la diro askari aan ku habboonayn oo aan diyaarsanayn, Soomaaliya waa meel khatar badan qofku hadduu lacag uun ka fekero wuxuu ku dambayn doonaa xaalad halis ah.

"Uganda waxa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6000 oo askari, waana ciidanka ugu badan ee ATMIS taas oo Museveni lacago badan kaga qaato Reergalbeedka, dagaalkani waa mid wakaaladeed(proxy war) kaas oo reergalbeedku ay majaraha u hayaan, ma aha dagaalkii Uganda” sidaas waxa yiri Joseph Serunkuma oo wax ka dhiga jaamacadda Mekerere University.

Si kastaba ha ahaatee sannadkii dhaweyd ee ina dhaafey ayuu Museveni la kulmay madaxda waddamada qaybta ka ah ATMIS oo uu Xasan Sheekh ku jiro, sida Ismaaciil Cumar Geelle (Jabbuuti), Ruto(Kenya), Ndayishimiye(Burundi) iyo Demeke Mekonnen oo Itoobiya ka socday, waxaaney ka wada hadleen qorshihii ciidammada Federaalka Soomaaliya loogu wareejin lahaa amniga dalkooda sannadka 2024. Saadaalin badan ayaa qiyaasaysa in marka ATMIS ay Soomaaliya ka baxaan ay Soomaaliya wajihi doonto xaalad lamid ah tii Afghanistan ee 2021.

"Haddii UPDF iska caabbin kari weyday 800 oo wiil oo Alshabaab ah oo cagta mariyey saldhiggoodii maxaad ka filanaysaa Ciidanka Soomaaliya” ayuu isweydiiyey xildhibaan Ssemujju.

Qorshaha ugu fiican ee Serunkuma sheegay ayaa ah in wadahadal lala furo Alshabaab. "Soomaaliya nabad ah lama heli karo iyada oo aan lala hadlin Alshabaab, waa qayb kamida waddanka waa in wada hadal lala furaa”.

W/Q: Derrick Kiyonga

Ugandan Writer.


Related Items

Update cookies preferences