Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo oo sheegay in ay Muqdisho ku qaban doonaan kulamo siyaasadeed.

Sunday March 03, 2024 - 10:23:12
Liibaan Jeexoow
Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo siyaasadeed ka billaabay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kulamadaas oo ka dhan ah hanaanka uu wax umaamulo Xasan Gurguurte.
Max'med Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan siyaasadeed ku yeeshay guri kuyaal Muqdisho waxayna sheegeen in ay kasoo horjeedaan in wax laga bedelo dastuurka dowladda.

Farmaajo iyo Shariif waxay sheegeen in ay wadaan qaban qaabada kulan ballaaran oo laysugu keenayo siyaasiyiinta iyo ururada bulshada rayidka ah sida ay hadalka udhigeen.

"Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran.”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.

Related Items

Update cookies preferences