Kumuu ahaa Silvio Berlusconi R/wasaarihii Talyaaniga ee geeriyooday?,

Tuesday June 13, 2023 - 08:16:25
Liibaan Jeexoow
Isbitaal kuyaal magaalada Milano waxaa ku dhintay Silvio Berlusconi oo ahaa R/wasaarihii hore ee wadanka Talyaaniga.
Dhaqaatiirtiisa gaarka ah ayaa sheegay in Berlusconi ladhigay isbitaalka maalintii jimcaha kadib markii ay xumaatay xaaladdiisa caafimaad.

Ninkan oo ahaa Milyuneer ka taajiray dhanka warbaahinta iyo Sports-ka ayaa sanadadii lasoo dhaafay wajahayay fadeexado buuro ah oo ka raacay kufsi uu ugeystay tobanaan dumar Italian ah.

Silvio Berlusconi ayaa fatradii uu xukunka hayay wuxuu si toos ah uga qeyb qaatay duullaanadii saliibiga ee Mareykanka iyo xulufadiisu ku qaadeen wadamada caalamka Islaamka.

Siyaasigan halaagsamay oo 86 sana jir ahaa wuxuu noqday hoggaamiyihii 3aad ee G.W Bush ku taageeray xamladii uu ku iclaamiyay muslimiinta Afghanistan iyo Ciraaq.

Ciidamada dowladda Talyaaniga ayaa Mareykanka ku garab siinayay duullaanadii lagu qaaday caalamka Islaamka, Silvio Berlusconi oo xukunka qabtay 1994-2011 ayaa doorasho walba oo uu galo ku guuleysan jiray sababa laxiriirta ballanqaadyadii uu sameeyay shacabkiisa oo ahaa in uu safka hore uga jiro ladagaallanka waxa loogu yeero 'Argagaxisada' oo ah mashruuc islaam ladirir ah.

Related Items

Update cookies preferences