Gaalo udhalatay dalka Denmarka oo magaalada Copenhagen ku gubay Musxafka Qur'aanka.

Saturday July 22, 2023 - 11:17:54
Liibaan Jeexoow
Gaalo xagjirayaal oo udhashay wadanka Denmark ayaa iyana gubay musxafka Qur'aanka Kariimka iyagoo uga dayana gaalkii Swedesh-ka ahaa.
Koox gaalo ah oo isku magacaabay muwaadiniinta Denmark ayaa afaafka hore ee dhismaha safaaradda Ciraaq ee magaalada Copenhagen ku gubay musxafka Qur'aanka.

Xagjirayaasha ayaa kor ululayay boorar lagu xardhay erayo muujinayay cadaawadda ay uqabaan islaamka iyo muslimiinta.

Wariyaal ku sugan magaalada Copenhagen ayaa sawirro kasoo qaaday gaalada oo musxafka gubaya islamarkaana ku istaagaya calanka dowladda Ciraaq.

Kooxdan udhalatay dalka Denmark ayaa horay sidaan oo kale afaafka hore ee safaaradda Turkiga ugu hor gubay Musxafka Qur'aanka iyo calanka Turkiga.

Related Items

Update cookies preferences