Cabdiwali Gaas oo sheegay in awoodda Al Shabaab ay laba jibaarantay tan iyo markii uu yimid Xasan Sheekh.

Monday August 14, 2023 - 12:03:41
Liibaan Jeexoow
Cabdiweli Max'med Gaas oo hadal ka jeediyay munaasabad dhacday dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrimo badan oo ka taagaan Soomaaliya gaar ahaan arrimaha ammaanka.
Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland horayna usoo noqday R/wasaare ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay guulaha beenta ah ee dowladda Xasan Sheekh warbaahinta ka sheeganayso.

Wuxuu sheegay in awoodda Al Shabaab ay sare usii kacday tan iyo markii uu Xasan Sheekh dagaalka ku iclaamiyay isagoona daaha ka feyday khaladaadka ay ku dhaqaaqday Villa Somalia.

Cabdiweli Gaas "Al Shabaab intii ay jireen maanta ayay ugu xoog badanyihiin weliba awoodoodu waa laba jibaarantay" ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Doodishe oo ah wasiirka ammaanka DF-ka oo isna khudbad ka jeediyay shirka ka dhacay Ohio ayaa ku faanay in ay guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences