Wasiirrada dibedda ee Masar iyo France oo Qaahira ku kulmay.

Saturday September 16, 2023 - 12:22:07
Liibaan Jeexoow
Shir laba geesood ahaa ayaa shaley Qaahira ku dhexmarey wasiirka dibedda ee Egypt Saami Shukri iyo Catherine Colonna.
Kulankan waxa la sheegay in labada dhinac kaga wada hadleen danaha labada waddan iyo dhibaatooyinka ka jira mandaqadda taas oo ay kamid tahay qaddiyadda reer Falastiin.

Wasiir Shukri waxa uu madashii shirka uga tacsiyeeyay dadka reer Libya ee ay masiibadu haleeshay kuwaas oo kumannaan nafood ku waayey fatahaado ka dhacey dalkaas, waxa kale oo uu tacsi u direy dalka Maqrib oo dabayaaqadii bishii ina dhaaftey uu dhulgariir ku dhuftay.

Dhanka kale naagta wasiirka dibedda ka ah France Catherine ayaa dhankeeda ku dheeraatey dagaalka Ruushka iyo sida uu dunida saameyn ballaaran ugu yeeshay. Waxa aanay intaa ku dartey in Masar uu dagaalka Ruushku ku keenay saameyn taban oo dhanka cuntada ah.

Madaxweynaha dalka Masar C/fataax Alsiisi ayaa isagu dhawaan shaaciyey in dalkiisa ay haysato dhibaato dhanka korodhka bina aadamka ah isaga oo indhaha ka laliyey dhibaatada ka dhalaneysa biya yaraanta webiga Niil ee Itoobiya xiratey iyo xasillooni darrada dhanka cuntada ah ee uu keenay dagaalka Ruushku ku qaadey Ukraine.

Related Items

Update cookies preferences