Israsaaseyn dhexmartey ciidamada Masar iyo Yuhuudda.

Monday May 27, 2024 - 11:43:22
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in israsaaseyni xooggani ay dhexmartey ciidamada Yuhuudda iyo kuwa Masar ee ku sugan xuduud beenaadka Rafax.
Warbaahinta Yuhuudda gaar ahaan Channel 13 waxa uu tebiyey in dhacdo qayral caadi ahi ka dhex dhacdey Ciidamada Masar iyo kuwa Yuhuudda, halka Channel 14 uu tibaaxey in marka hore askarta Masaarida ahi rasaas ku bilaabeen kuwa Yuhuudda ee ku sugan Marinka Rafax.

Saxiifadda Walla ee Sahaayinada waxa ay dhankeeda xustay in laba askari ay ka dhinteen Masar.

Dhanka Masar afhayeen ku hadley magaca Milateriga Masaarida ayaa ka dhawaajiyey in ay ‘shahiideen’ xubno kamid ah askartooda ku sugan mandaqadda Shariid ee xuduud beenaadka Marinka Qaza.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences