Ciidamada dowladda oo xaafadda Arjantiin ku dilay arday isku diyaarinayay Imtixaan!.

Thursday June 06, 2024 - 12:24:41
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli magaalada Muqdisho ka wada dilalka ay ugeysanayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Askari katirsan maleeshiyaadka Imaaraatku tababaray ee loo yaqaan Boliis Melletaariyo ayaa xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ku dilay wiil dhalinyara ah oo magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Shuqaale.

Waalidka dhalay wiilka ladilay ayaa sheegay in Yuusuf uu ahaa arday isku diyaarinayay in uu galo imtixaanka kama dambaysta ah ee dugsiga dhexe.

Iskusoo bax ka dhacay xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ayay dadka deegaanku ku dhaleeceeyeen dilalka ka dhanka ah ardayda soomaaliyeed.


Related Items

Update cookies preferences