Ciidamada Xabashida Itoobiya oo bilaabay in ay lacago baad ah ka qaadaan Koonfurta Soomaaliya.

Thursday May 30, 2024 - 16:46:56
Liibaan Jeexoow
Ciidamada Xabashida Itoobiya oo wax kabadan 12 sanadood oo xiriir ah xoog ku haysto degmooyin iyo deegaanno dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa bilaabay in ay deegaannada qaar ka dhistaan maamullo iyaga daacad u ah.
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka Xabashida ay amar kuusiiyeen maamullada dabadhilifyada Soomaalida ah ee iyaga taabacsan in ay usoo aruuriyaan lacag baad ah oo ay ugu yeereen Canshuur.

Lacagahan ayaa si toos ah ugu dhacaya qasnadda dowladda Xabashida, warbaahinta ku hadasha Afka Amxaariga ayaa faafisay wararkan sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo gaar ahaan deegaannada xuduud beenaadka dhaca ay bilaabeen qaadista lacago 'Canshuur ah'.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in meelaha saraakiisha Itoobiyaanka ay lacagaha baadda ah ka aruursanayaan ay kamid yihiin degmooyinka Dooloow iyo Luuq oo kawada tirsan gobolka Gedo.

Warar kale ayaa sheegaya in saraakiisha Xabashida ee ku sugan deegaannada Feerfeer,Ceelbarde iyo Qurac Joome ay iyana qaadeen tallaabooyin kuwan lamid ah oo ay lacago baad ah uga qaadayaan gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga.

Itoobiya oo duullaan horor ah ku joogta Soomaaliya ayaa doonaysa in ay gummeysato shacabka Soomaaliyeed, waxayna utafa xaydatay in ay boobto badda iyo barriga dalka.

Related Items

Update cookies preferences