Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta oo dowladda Masar ku dhaleeceeyay qabsashada Yahuudda ee Rafax.

Thursday May 09, 2024 - 16:41:40
Liibaan Jeexoow
Hoggaanka sare ee maleeshiyaadka Xuuthiyiinta wadanka Yemen ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xasuuqii ay ciidamada Yahuudu ka geysteen marinka Rafax.
Cabdimalik Alxuuthi ayaa kalimad uu jeediyay ku dhaleeceeyay duullaanka ay ciidamada Yahuuddu ku qaadeen deegaanka Rafax oo ahaa meesha kaliya ee shacabka Qaza looga geliyo raashinka iyo gargaarka.

Wuxuu sheegay in tani aysan aheyn guul melleteri maadaama rafax uu ahaa macbar rayid oo uusan aheyn goob dagaal.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa dowladda dabadhilifka Masar ku eedeeyay in ay Yahuudda uhoosaasisay shacabka Falasdiin "Waxay aheyd Masar in ay difaaco shcabka Falasdiin ay carabta ku hoggaamiso kacdoon lagu cadaadinayo Yahududa ee ma aheyn in ay banayso Rafax" ayuu yiri hoggaamiyaha Shiiciga ah ee lagu magacaabo Cabdimalik Al Xuuthi.

Maleeshiyaadkan gacan saarka laleh dowladda Shiicada Iiraan ayaa weeraro culus ku qaada maraakiibta uraran Yahuudda ee isticmaala biyaha badda cas ee xeebaha dalka Yemen.

Related Items

Update cookies preferences