Imaaraatka Carabta oo dalka Jaad ka dhisay saldhig uu ka hurinayo colaadda Suudaan.

Saturday September 30, 2023 - 11:43:46
Liibaan Jeexoow
Baarayaal American ah ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraatka carabta ay kaalin weyn ku leedahay dagaallada ka holcaya wadanka Suudaan ee dhaca bariga qaaradda Afrika.
Wargeyska New York Times ayaa daabacay warbixin dheer oo uu uga faalloonayo qaababka ay dowladda Imaaraatka Carabta uhurinayso colaadda dalka Suudaan.

Imaaraatka ayaa saldhig ay diyaaraduhu ka duullaan kunasoo degaan ka hirgeliyay baadiyaha fog ee dalka Jaad gaar ahaan deegaanno ku dhow xuduudda Suudaan halkaas oo ay ka dajiyaan hub iyo sahay ciidan kuwaas oo lagu kaalmeeyo maleeshiyaadka mucaaradka RSF.

Sida warbixinta lagu sheegay dowlada Imaaartaaka ayaa diyaarado ay ku sheegto gargaar waxay ku geysaa qalab caafimaad,hub iyo sahay dhammaantood ku socda maleeshiyaadka kooxda Dacmu Sariic.

New York Times wuxuu leeyahay "Dowladda Imaaraatka waxay soo saartaa baaq ay ku dhiirigelinayso in colaadda Suudaan wadahadal lagusoo afjaro balse si hoose ayay utaageeraysaa dhinac kamid ah kuwa ku hardamaya dalka Suudaan".

Inkabadan 5000 oo ruux ayaa larumeysanyahay in ay ku dhinteen dagaallada udhaxeeya ciidanka Suudaan iyo maleeshiyaadka RSF ee Imaaraatku taageerayo.

Related Items

Update cookies preferences