Al Shabaab oo daaha ka feyday beentii Africom ee xasuuqii Oodweyn [Warsaxaafadeed].

Sunday October 01, 2023 - 13:21:31
Liibaan Jeexoow
Warsaxaafadeed kasoo baxay Matkabka Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab, oo cinwaan looga dhigay "Daah-karogidda daboolka AFRICOM:
Xabaal wadareed laga heley gobolka Galgaduud” kuna qornaa luuqada Englishka ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay heshay xabaal-wareedka dadkii shacabka ahaa ee horaantii bishii September ay Mareykanku ku xasuuqeen deegaan hoostaga degmada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Bayaanka waxaa lagu yiri" Kadib xasuuqii wuxuushnimo ee ay AFRICOM ku gumaaday 5 caruur ah iyo ayeeyadood ee 06-dii September 2023 ka dhacay deegaanka Oodweyn ee wilaayada Islaamiga ee Galgaduud, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab daaha ka feydeysaa cadeymo horleh oo banaanka soo dhigaya macluumaad ku saabsan howlgalka uu Maraykanku aadka u qariyay”.

War saxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu yiri: "waxaa la helay xabaal wadareed ay ku aasanyihiin 4 ruux ah, kaasi oo laga heley nawaaxiga deegaanka Ceel-Lahellay, meydadka la helay ayaa kala ah ayeeyo Kaaha Takar Warsame, oo 60 sano jir ahayd iyo saddex ka mid ah caruurtii ay ayeeyada u ahayd, kuwaasoo dhamaantooda lagu dilay weerarkii bishii tagtay ay AFRICOM ku beegsatay dadka shacabka ah. Meydadka 2 caruur oo kale ayaanan nolol iyo geeri midna lagu heyn, kuwaas oo weli ku maqan gacanta Saliibiyiinta AFRICOM.”

Related Items

Update cookies preferences