Kuuriyada Waqooyi: Gumaadka lagu hayo shacabka Qaza waxa ka masuul ah Mareykanka.

Monday October 23, 2023 - 10:55:46
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Pyongyang ayaa masuuliyadda xasuuqa ka socda Qaza ku eedaysay Mareykanka. War murtiyeedkan ka soo baxey K. Waqooyi ayaaku macneeyay waxa ka socda Ghaza halaag ama ayaandarro ka dhan ah bina aadanninada.
"Mareykanku waa kuwa jihaynaya xaaladda kataagan Bariga Dhexe, hawlgallada lagu laynayo dadka badan ee aan waxba galabsani waxay ku imanayaan taageerada ula kaca ah ee Mareykanka”. Ayaa lagu yiri war ay soo saartey wakaaladda wararka ee K. Woqooyi.

Dhanka kale xukuumadda xarunteedu tahay Biyong Yaang ayaa cambaareysaygo’aankii Veto-da ahaa ee Mareykanku kaga hortagey xabbad joojontii la dhex dhigi lahaa Xamaas iyo Yuhuudda si shacabku u helaan gargaarka aadaminnimo.

Wakaaladda wararka ee Yonhap ayaa intaa raacisey in booqashadii madaxweynaha Mareykanku ku tagey Israel ay tilmaan u tahay sida Dowladda Saliibiyadda ah ee Mareykan dabada uga riixayso gumaadka shacabka.

W/Q Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences