Yaa Ka Masuul Ah Colaadda Beelaha Ee Sh/Dhexe?. W.Q. Mudey Macow.

Monday October 23, 2023 - 16:18:10
Liibaan Jeexoow
Sanadkii 2016, Xassan Gurguurte oo ahaa madaxweynaha DF ee xilligaas ayaa iskugu yeeray odayaasha beesha Abgaal ee degta gobolka Shabeellada Dhexe.
Wuxuu ka dalbaday inay keenaan maleeshiyo deegaanka ah oo la shaqeeya ciidamada Itoobiya oo duullaan ku ahaa degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ruunirgood oo uu ka talinayay maamulka Al-Shabaab. Odayaashii Abgaal ee loogu yeeray kulanka waa ay diideen dalabkii Gurguurte, waxayna ugu jawaabeen in gobolkaas uu nabad yahay, uuna ka taliyo nin la yiraahdo Yuusuf Kabakutukade oo madax ka ah maamulka Al-Shabaab ee gobolka, dhanka kalena ah nin culuma ah oo beeshooda ka dhashay, aad loo qadariyo, dadkuna dheef ma ahane aysan wax dhibaata ah ku qabin maamulka meesha ka jira.

Odayaasha Abgaal waxay Gurguurte uga digeen in hadii maamulka Al-Shabaab ee gobolkaas meesha uu ka boxo uu dagaalkii qabiilku soo laaban doono maadaama waxa ay maleeshiyada beeluhu ka cabsadaan uu yahay maamulkaas Islaamiga ah oo aanan dhexdiisa la isku dulmin karin.
Xassan Gurguurte kuma uusan qancin hadalkii odayaasha, wuxuuna isagoo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo isaga ka amar qaata duullaan ku qabsaday degmooyinka Ruunirgood iyo Aadan Yabaal. Muddo dhawr bilood ah kadib labadii degmo waxaa dib u qabsaday Al-Shabaab kadib markii ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Soomaalida dagaallo badan kadib ay isaga bexeen.

Wixii laga cabsanayay oo dhacay.

Markii uu kursiga madaxweynaha DF kusoo laabtay sanadkii tegay ee 2022, Xassan Gurguurte wuxuu durbadiiba ku dhawaaqay duullaan ka dhan ah Al-Shabaab, wuxuuna si toos ah u abaabulay maleeshiyo beeleedyo loogu magac daray macawiisleey oo la sheegay inay qayb ka noqonayaan dagaalka Al-Shabaab. Maleeshiyadaas uu Xassan Gurguurte hubeeyay waxaa kamid ah beesha uu ka dhashay ee Abgaal ee dega Shabeellada dhexe. Balse cabsidii ay 2016 qabeen odayaasha Abgaal ee uu la kulmay Xassan Gurguurte ayaa banaanka soo baxday.

Wuxuu dagaal lagu hoobtay ka billawday Shabeellada Dhexe, waxaana duullaamo aanan waxba la isku reeban isku billaabay maleeshiyo kasoo kala jeeda jufooyin ka kala tirsan Abgaal kuwaas oo isku helay jaanis ah inay hubka ka helaan maamulka Xassan Gurguurte, isla markaasna uusan jirin maamul Al-Shabaab oo gobolka ka taliya oo ay ka cabsadaan.

Waxaa la dilay dad aad u badan, waxaa la gubay tuulooyin iyo deegaano lagu noolaa, waxaa la burburiyay hanti aad u badan, waxaana dhacay tacadiyo aad u foolxun oo laga wada naxay.

Maleeshiyada dagaalamaysa ma ahan oo kaliya kuwa macawiisleyda ah, balse waxaa ku jira ciidamo ka tirsan DF, waxaana dagaalka ka qaby qaadanaya tikniko ay leeyihiin saraakiil caan ah oo katisan ciidamada DF ee sida tooska ah u hoostaga maamulka Xassan Gurguurte.

Wilaayadii waa la tabay.

Dadka ku dhaqan Shabeellada Dhexe waxay tabayaan maamulkii Islaamiga ahaa. Waxay waayeen nabadii meel walba lagu mari jiray, deegaan walba lagu daaqi jiray, qofkuna meeshuu doono uu gobolka ka mari jiray isagoon ka cabsanaynin in naftiisa iyo maalkiisa la dhibaateeyo. Beelaha dagaalamaya marka laga soo tago, dadka aanan labadaas beelood ka dhalan ee musaafurka ah xitaa kama nabad gelayaan dhibaatada meesha ka jirta, sababtoo ah gobolka waxaa daadsan isbaarooyin ay dhigteen ciidamada DF ee uu Xassan Gurguurte soo abaabulay, kuwaas oo dadka hantida ka dhacaya, dumarkana kufsanaya. Nin Laashin ah oo ka shirbay wanaagii ay bulshadu ku haysteen maamulkii Islaamiga ahaa ee Al-Shabaab iyo xaaladaan murugaysan ee hada ka jirta gobolka ayaa waxaa uu yiri " Ar Yaa Walaal Noo Ahoo, Noogu Waca Walaayadii”.

Beesha Abgaal iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay fahmaan dhagarta ka dambaysa in maamullada Islaamiga ah la burburiyo, laguna badalo kuwo dhiig-miirato ah oo aanan dalka iyo dadka wax naxariis ah u haynin. In dhallinyarada Shabaabka ahlu-diinka ah lala dagaalamo oo deegaanada laga saaro, laguna badalo mooriyaan daroogiistayaal ah oo naf, maal iyo cirdi wax ay reebayaan aanay jirin. Masuuliyada dadkaas la xasuuqayo, hantida la boobayo, tan la burburinayo, deegaanada la gubayo iyo dumarka la faraxumaynayo waxaa qaadaya Xassan Gurguurte oo isagu maamulkii Islaamiga ahaa ee dhibaatadaas gaashaanka looga gambado ahaa gaalo kusoo hogaamiyay oo dumiyay, mooriyaanta dagaalamaysa abaabulay isagoo ku tilmaamay macawiisleey, hubka iyo rasaasta u qaybiyay, hadda oo ay waxaas oo gumaad ah gaysanayaana aanan tillaabo uu ka qaado iska dhaafe aanan xitaa colaada hala joojiyo laga haynin.

W/Q: Mudey Macow

Related Items

Update cookies preferences