Boqolaal qof Amxaara ah oo lagu dilay colaadda udhaxaysa Faano iyo Abiy Axmed.

Tuesday October 31, 2023 - 12:14:57
Liibaan Jeexoow
Dagaallada laayaanka ah ee ka holcaya wadanka Itoobiya ayaa gallaaftay nolosha boqolaal ruux oo badankood kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada.
Iska hor'imaadyada udhaxeeya jabhadda Fano iyo ciidamada Abiy Axmed ayaa weli ka socda inta badan degmooyinka iyo deegaannada ismaamulka Amhara.

Warbixin uu soo saaray guddiga waxay ugu yeeraan xuquuqul insaanka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in tobaneeyo qof oo rayid Axmaara ah lagu dilay bishan duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya iyo howlgallo guri-guri ah oo uu sameeyay maamulka gobolka Amhara.

Warbixinta cusub ee ay soo saartay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya ayaa lagu soo diiwaangeliyay dhowr dhacdo oo ka dhacay gobolka Axmaarada, kuwaas oo lagu dilay dad badan waxaana jira dad rayid ah oo bishaan ladilay.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in mid ka mida goobaha ay weerarada ka gaysteen ciidanka dowladda Itoobiya lagu dilay 12-qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jiraan arday culuumta diinta baranayay, weerarkaasi ayaana dhacay 10-kii bishan.

Guddiga xuquuqul insanka ayaa ciidanka milatariga dowlada Itoobiyay ku eedeeyay inay dadkaasi rayidka ah ku beegsadeen goobahooda gaarka ah, waxaana dadkaasi la dilay xilli ciidamada dowladdu guri guri u baarayeen magaalada Adiit ee gobolka Axmaarada.

Sidoo kale waxaa taqriirka ku xusan in ilmo 19-bilood jir ah uu ka mid ahaa dad ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ciidanka dowladda xabashida ka gaysteen degmada Beerihit, halkaas oo ay xabashidu ku xasuuqday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

19-kii bishan October weerar kale oo diyaaradah aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Itoobiya ay gaysteen ayay ku dileen siddeed qof oo shacab ah, duqayntaasi ayaana ka dhacday magaalada Debre Markos.

Urur gaaleedka Qaramada midoobay ayaa dhammaadka bishii Agoosto ee tagtay sheegay in ugu yaraan 183 qof lagu dilay colaadda ka aloosan gobolka Axmaarada bishii ugu horreysay, balse waxaa gobolkaasi oo dhan ka go’ay internet-ka iyo isgaarsiinta taleefanada taasi oo adkeysay in muuqaal sax ah laga helo xaaladda gobolka.

Related Items

Update cookies preferences