22 qof American ah oo ku dhintay toogasho ka dhacday magaalada Lewiston.

Thursday October 26, 2023 - 08:31:55
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in markale weerar laayaan ah uu ka dhacay mid kamida magaalooyinka wadankaasi.
Ugu yaraan 22 ruux ayaa geeriyootay halka 60 kale ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii uu ruux hubaysan toogasho ka geystay goob lagu cunteeyo oo kutaal magaalada Lewiston.

Saraakiisha booliska gobolka Maine ayaa sheegay in ruuxa dadka laayay uu goobta ka baxsaday, wararka ayaa intaas ku daraya in laxiray inta badan goobaha ganacsiga magaalada Lewiston.

Warbaahinta maxalliga Mareykanka ayaa sheegtay in Joe Biden lagu wargeliyay dhacdadan, toogashooyinka laayaanka ah ee ay geysanayaan dadka caadiga ah ee hubka heysta ayaa sanad walba gallaafata nolosha kumanaan kun oo ruux.

Related Items

Update cookies preferences