Rwanda oo ku dhawaaqdey in dalalka Africa ku iman karaan Visa la'aan dalkooda.

Saturday November 04, 2023 - 10:30:07
Liibaan Jeexoow
Rwanda ayaa shaley Khamiistii ku dhawaaqdey in dhammaan dalalka Africa dalkooda ku iman karaanfiise la'aan. Dalka Rwanda waxa uu noqonayaa waddankii afraad ee tallaabadan qaada.
Madaxweynaha dalkaas Paul Kagame ayaa arrintan kaga dhawaaqey caasimadda Kigali.

"qofkasta oo Afrikaan ah ayaa diyaarad ku iman kara Rwanda markii uu doono, lamana weydiin doono wax dal-ku-gal ah” ayuu yiri Kagame.

Waxa kale oo uu Kagametibaaxey in la dardar geliyo suuqa dalxiiska mustaqbalka dhowna ay Afriki noqon doonto meel loo soo tamashle doonto oo dalxiiska ku fiican.

Dalalka Gambia, Benin iyo Seychelles(Siishelis) ayaa noqdey saddexda waddan ee Rwanda uga horreeyay laalidda fiisaha.

Madaxweynaha dalka Kenya Willaim Ruto ayaa isna Isniintii shaaciyey in waddankiisu qorshaynayo sidii Kenya waddamada Afrika oo dhami ugu iman lahaayeen dalkugal la’aan 31 December.





Related Items

Update cookies preferences