Hoggaamiyaasha dalalka caalamka Islaamka oo kulankii ay ka yeesheen Qaza kasoo saaray Cambaareyn!

Saturday November 11, 2023 - 19:28:04
Idriis Ali
Todobaatameeyo madaxweynayaal ah oo maamula inta badan dalalka caalamka Islaamka ayuu kulan uga furmay magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sacuudiga.
Max'med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ahna xaakimka dhabta ah ee wadanka ayaa shir guddoomiyay wax uu ugu magac daray 'shirkada carabta iyo Islaamka' waxaana diiradda lagu saarayaa xaaladda magaalada Qaza.

Hoggaamiyaasha kulanka isugu yimid oo dhammaantood khudbado isku mid ah jeediyay ayaa Cambaareyn iyo dhaleecayn kala duldhacay Yahuudda balse majiro hal hoggaamiye oo soo jeediya in taageero ciidan lasiiyo Muqaawamada Falasdiin.

Madaxdii ugu hadallada kululaa waxaa kamid ahaa Erdogaan madaxweynaha Turkiga,Tamiim Bin Xamar Amiir Qadar iyo Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Jabuuti dhammaan dulucda khudbadihii ay jeediyeen ayaa ahaa dhaleecayn oo kaliya.

inkabadan 11 kun oo ruux shacab muslimiin ah ayay Yahuudu ku xasuuqday magaalada Qaza illaa iyo haddana ma jirto dowlad carbeed oo ku dhiiratay in ay taageero siiso shacabkaa la go'doomiyay kadibna gummaadka loogu daray.

Related Items

Update cookies preferences