Roobab Daadad wata oo dad ku dilay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Saturday November 04, 2023 - 12:11:56
Liibaan Jeexoow
Roobad daadad wata ayaa ka da'aya qaar katirsan gobollada dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya waxaana jira khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay roobabkaas.
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in robab saacado badan da'ayay ay khasaara ka geysteen degmada Ceelwaaq ee xuduud beenaadka kulaasha

Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ayaa ka dhashay daadad xooggan oo kusoo rogmaday xaafadaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka da’ayeen roobab mahiigaan ah.

Inta la hubiyay laba gabdhood oo walaalo ah ayaa ku dhintay daadka ka dhashay roobabka ee kusoo rogmaday Ceel-waaq, gabdhaha ayaa da’aaddooda lagu sheegay in ay u dhaxayso 14-9 sano jir, waxaana labadaasi maydadkooda lagasoo saaray god ay biyuhu fariistaan.

Dhanka gobolka Wajeer ee dhulka soomaalida NFD iyana waxaa kusoo rogmaday daadad taas oo saamayn ku yeelatay bulshada magaaladaasi.

Inta badan xaafadaha Wajeer ayaa lasoo warinayaa in biyo ay buuxdhaafiyeen taas oo sidoo kale barakac sababtay.

Gobolka Gedo iyo gobollada Mandheere iyo Wajeer ayaa todobaadkii lasoo dhaafay waxaa aad usameeyayu roobabkii da'ay iyadoo goobaha qaar uu wabigu fatahay.

Magaalada Baardheere iyana webiga ayaa fatahay waxaana ladareemayaa biyo xad dhaaf ah oo uu wado webiga Jubba waloow aan weli lasoo calaamadeyn khasaara ka dhashay fatahaaddan.

Related Items

Update cookies preferences