Abuu Cubeyda "136 gaari ayaan cadowga uga gubnay magaalada Qaza"!

Thursday November 09, 2023 - 15:34:08
Liibaan Jeexoow
Xoogaga muqaawamada Falasdiin ayaa faah faahinno dheeraad ah ka bixiyay habsami usocodka dagaallada ka holcaya magaalada Qaza.
Abuu Cubeyda oo ah afhayeenka Katiibada Cizudiin Qassaam ayaa kalimad uu jeediyay uga warramay khasaaraha maadiga ah iyo midka bashariga ah ee Yahuudda kasoo gaaray dagaallada.

Ugu horrayn wuxuu sheegay in muqaawamadu ay wanaagsanyihiin ayna ku guda jiraan dagaallo malxamad ah oo ay shacabka muslimiinta uga difaacayaan cadowga hororka Sahyuuniga ah ee soo duulay.

Wuxuu sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay hanaanka ay cadowgu u xasuuqayaan shacabka rayidka ah sida duqeymaha laayanka ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka iyo madaafiicda aan loo meel dayin ee lagu beegsanayo isbitaallada iyo madaarista.

Abuu Cubeyda wuxuu carabaabay in tan iyo markii ay Yahuuddu soo galeen Qaza ay ka burburiyeen 136 gaari ayna dileen boqolaal askari isagoo tilmaamay in cadowgu uusan waxba ka faa'iidin duullaankiisa.

Muqaawamada oo adeegsanaya qoryaha shiishka iyo gantaallada duleelisada ah ee Al-Yaasiin 105.

Afhayeenka muqaawamada ayaa ku eedeeyay ciidanka Yahuudda fulaynimo iyo dhimasho ka carar "Ciidanka gummeysiga Yahuuddu wuxuu ka cararayaa in uu dagaal malxamad ah lagalo muqaawamada" ayuu yiri abuu cubeyda.

Wuxuu intaas sii raaciyay in inkastoo cadowgu uu geysanayo weeraro bahalnimo oo ka dhan ah shacabka rayidka ah hadane ay xoogagoodu ku adkeysanayaan iska caabin iyo halgan isagoo ku nuux nuuxsaday in marnaba aysan isku dhiibi doonin Yahuudda Sahaayinada.

Muqaawamada ayaa markale ku celisay in maxaabiista tirada badan ee ay ku qabteen howlgalka duufaanta A-aqsaa ay mari doonaan hanaanka maxaabiis isweydaarsiga islamarkaana aysan ogolaan doonin wax ka sokeeya in maxaabistaas ay ku bedeshaan kumanaan rag iyo dumar ah oo ku jilba xiran xabsiyada cadowga Yahuudda.

Related Items

Update cookies preferences