Ingiriiska oo Xasan Gurguurte u ballan qaadey $100 million.

Tuesday November 21, 2023 - 16:21:56
Idriis Ali
Sida wararku sheegayaan madaxweynaha DF xasan Sheekh oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Ingiriiska ayaa Reysal Wasaaraha dalkaasi u ballanqaadey lacag lagu sheegay maalgelin oo gaareysa $100million.
Xasan Sheekh ayaa sidii lagu yaqaanney tuugmo ku bilaabey kulankii dhexmarey isaga iyo Rishi Sunak.

"Xukuumaddayadu waxa ay la daalaa dhacaysaa la dagaallanka macaluul daran oo ay sababeen abaaro dabo dheeraatey. Wakhti xaadirkanna waxa aanu dagaal kula jirnaa fatahaado ka tegay dad ka badan 30 ruux”. ayuu ka yiri Xasan kulankii dhexmarey isaga iyo RW Ingiriiska.

RW Ingiriiska oo hadalkaa ka jawaabaya ayaa ballan qaadey ilaa 100milyan oo doolar taas oo lagu sheegay in wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaale ee Somalia.

Hadalka Xasan Sheekh oo ku dul wareegayey amniga Somalia iyo xasilloonidarrada dhanka cuntada ayaa xusey in ay Xarakada Alshabaab ‘ka xoreeyeen’ ilaa 70 degmo waa sida uu hadalka u dhigey eh.

Xasan Sheekh ayaa ceeb u soo jiidey magaca qoomiyadda Soomaalida isaga oo meel walba la taagan baahi iyo been.

W/Q  Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences