Siyaasi Islaam naceyb ku caanbaxay oo ku guulaystay doorashooyinka wadanka Holland.

Thursday November 23, 2023 - 17:13:40
Idriis Ali
Si lama filaan ah doorashooyinkii guud ee wadanka Holland waxaa kusoo baxay xisbi xagjir nasraani ah oo caan ku ah islaam naceybka waxaana hoggaamiyo gaal horay u aflagaadeeyay Nabiga SCW.
Doorashooyinka baarlamaaniga dalkan waa kuwa jaangooya cidda maamulaysa xukuumadda islamarkaana siyaasadaheeda ku tadbiiqinaysa dalka Holland oo kamid ah xubnaha ugu cad-cad ururka midowga Yurub.

Siyaasiga xagjirka Nasraaniga ah ee lagu magacaabo Geert Wilders ayaa kusoo baxay codadkii ladhiibtay sida ay sheegayaan natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxaya guddiga doorashooyinka xukuumadda Netherland.

Xisbiga sida aadka ah ucolaadiyo islaamka iyo ehelkiisa ayaa lasheegay in uu helay 35 kursi waxaana ku xiga xisbiga midigta dhexe ee isna xagjirka ah balse darajo ahaan ka hooseeya xisbiga Geert Wilders.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in tallaabadan ay gariir siyaasadeed ka abuuri doonto qaaradda Yurub oo sanadadii dambe ay masraxa siyaasadda soo fuulayeen xisbiyada iyo shakhsiyaadka islaam naceybka ku caanbaxay.

Telefeshinka afka dowladda Hollanad ku hadla ayaa sheegay in xisbiga Xoriyadda ee uu madaxda ka yahay Geert Wilders uu helay 35 kursi halka xisbiga midiga dhexe uu helay 23 kursi, inkastoo natiijadani aysan aheyn mid kama dambeys ah hadane waxaa loo badinayaa in guushu ay raacday gaalkan aflagaadeeyay nabiga SCW.

guushan uu doorashada ka gaaray Geert Wilders ayaa siinaysa laba awoodood oo kala ah in uu hoggaamiyo wadahadallada lalayeelanayo xisbiyada kale ee dalka si xukuumad wadaag ah loosoo dhiso waxaa kale oo uu awood uyeelanayaa in uu isagu noqdo R/wasaaraha dalka Holland.

Siyaasigan doorashada kusoo baxay ayaa barnaamijkiisa doorasho halku dhig ka dhigtay in Holland laga saaro ururka midowga Yurub iyo in la joojiyo dadka soo galootiga muslimiinta islamarkaana dib loo celiyo dhammaan dadka tahriibka ku yimid wadankiisa isagoo ballan qaaday in uu soo xiri doono xuduudaha holland waana isla siyaasaddii Donald Trump madaxweynihii hore ee Mareykanka.

Ninkan nasraaniga xagjirka ah ayaa bishii May ee lasoo dhaafay ballan qaaday in uu islaamka ka xididda siibi doono dalka Holland, khudbad uu jeediyay ayuu ku yiri "marka aad aragtid waddooyinka magaalada laahaay oo laciir ciiraya dad muslimiin ah oo tukanaya in masjidka alsunnah oo albaabadu ufuranyihiin waxaad dareemaysaa in Hollanda 2023 aysan aheyn Hollandadii layaqiinay".

Wuxuu marwalba ku baaqaa in islaamka laga ciribtiro Yurub gaar ahaan dalka Netharland, ciidanka booliska iyo kuwa sirdoonka ayaa ninkan si aad ah u ilaaliya tan iyo sanaddii 2004-tii kolkaas oo uu aflagaadeeyay Nabiga Muxamed SCW wuxuuna dhowr jeer ka badbaaday weeraro ay naftood hurayaal muslimiin ah ku dili rabeen.

Tani ayaa ka dhigan in shacabka saliibiyiinta Holland ay doorteen dambiile ugefay muqadaaska umadda milyaarka ah.

Falanqeeye katirsan shabakadda Ero news ayaa sheegay in guusha Geert Wilders ay baqdin siyaasadeed ka abuuri doonto dalal ay kamid yihiin Faransiiska,Poland iyo Talyaaniga kuwaas oo ay siyaasadda saameyn ku leeyihiin hogaamiyaal madax u ah xisbiyada midigta fog ee xagjirka ah.
Sanaddii 2016 ayay siyaasiyiin xagjirayaal gaala ah soo fuuleen masraxa siyaasadda wadamada reergalbeedka kadib markii ay talada qabsadeen Donald Trump iyo Boris Johson.

Related Items

Update cookies preferences