Maxay yihiin 8 qodob ee ka soo baxay kulankii Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi.

Saturday December 30, 2023 - 07:45:06
Idriis Ali
Ka dib kulan socday laba maalmood oo u dhexeeyay hoggaanka DF Somalia iyo Somaliland ayaa waxa ka soo baxey warmurtiyeed ka kooban ilaa siddeed qodob oo ay ku saxeexnaayeen Wasiirrada Daakhiliga ee DF iyo SL Axmed Fiqi iyo Maxamed Kaahin.
Go’aannadaas oo hadal hayn weyn ka dhaliyey baraha bulshada ayaa markii ugu horreysay maamulka Somaliland lagu xusey magaca "Gobollada Waqooyi” taas oo aan hore uga dhici jirin kulammadii hore.

Qodobka ugu horreeyay ayaa tibaaxayey in dib loo bilaabo wadahadalladii labada dhinac si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah. Qodobka labaad ayaa isna sheegayey in muddi 30 maalmood gudahooda la isla meel dhigo wadahadallada arrimaha masiiriga ah isla markaana guddi farsamo loo saaro.

Qodobka saddexaad ayaa lagu xusey in si wadajir ah loo fuliyo heshiisyadii laga gaadhey wadahadalladii labada dhinac ee intii u dhexaysay 2012 ilaa June 2020. Qodobka afraad ayaa isna dhigayey in garowshiyihii Soomaaliya ka gaadhey gaboodfalladii ka dhacey gobollada waqooyi xilligii Siyaad Barre in la sii adkeeyo. Halka qodobka shanaad uu dhigayey in labada dhinac iska kaashadaan arrimaha khuseeya amniga.

Qodobka lixaad ayaa lagu tibaaxey in la joojiyo colaadaha ka taagan gobollada qaar(Sool) isla markaana lagu dhammeeyo habkii dhaqanka ee soo jireenka ahaa. Qodobka toddobaad ayaa sheegayay in la joojiyo qoraallada, hadallada iyo waxkastoo wax u dhimaya wadahadallada.

Ugu dambeynna waxa qodobka ugu siddeedaad loogu mahadnaqey Ismaaciil Cumar Geelle. Xagga hoose ka akhri warmurtiyeedka oo faahdaahsan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences