Maxkamada taabacsan Alsiisi oo xukun daldalaad ah ku ridday Xubno katirsan Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Tuesday March 05, 2024 - 17:47:05
Liibaan Jeexoow
Maxkamadda sare ee dowladda dabadhilifka Masar ayaa soo saartay xukunno daldaalad ah oo lagu fulinayo maxaabiis uxiran arrimo siyaasadeed tan iyo sanaddii 2013-dii.
Wararka ka imaanaya wadanka Masar ayaa sheegaya in maxkamadda racfaanka ay taageertay xukun horay usoo baxay oo dhigayay in daldalaad lagu fuliyo Max'med Badiic oo ah murshidka guud ee ururka ikhwaanul muslimiin iyo 7 kamid ah xubnaha ururka kuwaas oo lagu hayo xabsiyo amnigooda si aad ah loo adkeeyo.

Maxkamadda dambiyada Aljiizah ayaa horay usoo saartay xukun faraya laamaha garsoorka in ay dedejiyaan xukunnada daldalaadda ee ka dhanka ah Max'med Albadiic iyo saaxiibadiisa laxiran oo ku eedaysan dambiyada waxa loogu yeero argagaxisada kuwaas oo Masar ka dhacay 11 sano ka hor.

Wargeyska Al-ahraam ee afka xukuumadda Alsiisi ku hadla ayaa sheegay in maxkamadda Racfaanka ay soo saartay xukunkii kama dambaysta ahaa ee lagu daldali lahaa Albadiic iyo maxaabiista kale ee laxiran.

Arrimaha layaabka leh ee ay dadka masaaridu ku tilmaameen cadaalad darrada qaawan ayaa ah in eedaysanayaashan lagu heysto jariimadii fagaaraha Raabicatul Cadawiyah oo la ogaa in ay geysteen ciidamada sirdoonka iyo kuwa melleteriga Cabdifaax Alsiisi halkaas oo lagu xasuuqay kumanaan kun oo shacab ah.

Related Items

Update cookies preferences