Daawo Video: Aljazeera oo Filim ka sameysay halgankii Daraawiishta ee Sayid Max'med Cabdulle Xasan.

Saturday April 06, 2024 - 15:49:11
Liibaan Jeexoow
Telefeshinka Aljazeera ayaa baahiyay Filim Wathaa'iqi ah kaasi oo uu ciwaan uga dhigay Wadaadkii Caaqlika ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Filimkan ah oo mid xiisa badan ayaa sawir guud ka bixinaya halgankii jihaadiga ahaa ee uu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan lagalay gummeystayaashii Ingiriiska,Talyaaniga iyo Xabashida Itoobiya.

Aljazeera ayaa soo waraysanaysa dadkii ugu muhiimsanaa ee Soomaalida kuwaas oo wax ka qoray halgankii Daraawiishta iyo xataa qaar kamid ah ehelka Sayid Max'med Cabdulle Xasan.

Dhammbaalladii dahabiga ahaa ee uu Sayidku udiray gummeystayaashii Ingiriiska ayaa lagusoo bandhigayaa filimka iyagoo Afcarabi ku tarjuman, sidoo kale waxaa Wathaa'iqiga ayaa looga qisoonayaa dagaalladii ugu muhiimsanaa ee uu Sayidku lagalay gummeystayaashii

Related Items

Update cookies preferences