Maxamed Bin Salmaan oo Xasan Sheekh ku qaabiley Makka.

Sunday April 07, 2024 - 21:07:55
Liibaan Jeexoow
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaley magaalada Maka kula kulmay Xasan Sheekh. Wararka ayaa sheegaya in ay ka wada hadleen arrimaha dhanka iskaashiga iyo in la dardar geliyo waxyaabaha ay labada dal wadaagaan.
Dhanka Sucuudiga waxa kulanka ka soo qayb galey xubno wasiirro ah oo uu kamid yahay Wasiirka Ciyaaraha, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Ilaalada Dalka, Wasiirka Maaliyadda, La taliyaha Amniga boqortooyada, Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Safiirka Sucuudiga u fadhiya Muqdisho.

Dhanka Dawladda Federaalka waxa kulanka joogey Cabdiqaadir Maxamed oo Wasaaradda Difaaca ku magacaaban, Biixi Iimaan oo Maaliyadda ah, Jibriil Cabdirashiid oo ganacsiga ah iyo Axmed Xasan oo Wasaaradda Kalluumaysiga ah. Waxa kale oo isna kulanka joogay ku qaybsanaha Khaarijiga Cali Maxamed.

Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Federaalka ee Shisheeyuhu Muqdisho ku ilaaliyo ayaa looga bartey in uu inta badan madaxda dalalka uu la kulmo kala hadlo arrimo maaliyadeed taas oo dhacdey marar badan oo is xigtey.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences