Shariif Sheekh Axmed oo ku dhawaaqay in isaga iyo Xasan Gurguurte ay ku kala boodeen kulamadii Nairobi.

Saturday April 13, 2024 - 12:43:50
Liibaan Jeexoow
Waxaa fashil iyo afgaranwaa kusoo idlaaday kulamo magaalada Nairobi ku dhaxmaray Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee DF-ka iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulamada oo ahaa kuwa siyaasadeed waxaa soo qaban qaabiyay hoggaamiyaal dhaqan oo doonayay in ay heshiis buuxo dhax dhigaan labada dhinac.

Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in isaga iyo Xasan Gurguurte ay isku fahmiwaayeen dhammaan ajandayaashii laga doodayay sida hakinta waxkabedelka dastuurka iyo arrimaha maamulka Puntland.

Fashilka ku yimid kulankii Nairobi ayaa lasaadaalinayaa in uu sare usii qaadi doono culeysyada siyaasadeed ee Villa Somalia ay kala kulmayso R/wasaarayaal iyo madaxweynayaal horay usoo maamulayay dowladda Federaalka.

Related Items

Update cookies preferences