Dowladda Iiraan oo 100 gantaal ku weerartay magaalooyinka maamulka Yahuudda.

Sunday April 14, 2024 - 06:23:58
Xalay saqdii dhexe ayay dowladda Shiicada Iiraan weeraro loo adeegsaday sawaariikh iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaadday qaar kamid ah magaalooyinka Falasdiin ee Yahuuddu haysato.
Ku dhowaad 100 gantaal ayaa ku hoobtay gudaha maamulka Yahuudda balse majirin wax khasaara dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay duqeymaha Iiraan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca dowladda Shiicada Iiraan ayaa sheegay in ay ka jawaabeen weerarkii lagu qaaday qunsuliyadooda ee magaalada Dimishiq halkaas oo lagu dilay 7 Jeneraal.

Muuqaallo lagasoo qaaday magaalooyinka duqeymaha lagu beegsaday ayaa muujinayay iftiinka gantaallada Iiraan kadibna qarxaya, arrinta layaabka leh ayaa ah in gantaalladaas aysan geysan wax khasaara nafeed ah islamarkaa na aysan waxyeellayn xarumaha maamulka Yahuudda.

Dowladda Mareykanka oo saacado ka hor ka digtay weerarka Iiraan ee dhanka 'Israa'iil' ayaa sheegtay in intabadan gantaalladii Iiraan laqabtay balse waxay walaac ka muujisay in xiisadda ka dhalan doonta weeraradan ay saameyn xun ku reebi doonaan wax ay ugu yeertay xasiloonida Bariga dhexe.

Related Items

Update cookies preferences