Saddex qodob oo uu daarranaa weerarkii Iiraan ku qaaddey saldhigyada Yuhuudda.

Thursday April 18, 2024 - 16:20:38
Liibaan Jeexoow
Saxaafaddu waxa ay maalmihii u dambeeyay aad u qaadaa dhigeysay weerar Iiraan qorshaysay oo ka dhan ahaa Yuhuudda. Weerrarada ay qaadday xukuumadda Tahraan ayaa maalmo ka hor reergalbeedku ka sii digayeen.
Haddaba maxaa ka run ah duqaymaha ay Iiraan la eegatey saldhigyo ay leeyihiin maamulka Yuhuuddu maxay se uga dan lahayd Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.

1: Kasbashada muslimiinta Bariga Dhexe iyo caalamka.

Sida ay qortey warbaahinta Al Jazeera ilaa afar jeer ayay Yuhuuddu weerareen hoggaamiyeyaal Shiico Iiraaniyiin ah intii ka dambaysay 7 October taas oo ay ugu dambaysay weerarkii safaaradda Iiraan ee Suuriya. Weerarkan oo ahaa ka sida weyn ay Iiraan u hadal haysay isla markaana ku gooddiyeysay in ay aargoosato laakiin Iiraan waxay sheegtay in ay Mareykanka ku wargelisay in ay duqeyn doonto goobo xaddidan taas oo ka dhigan in aaney u socon weerar dhab ah.

Haddaba arrinta la yaabka leh ayaa noqotey sidee dal weerar qaadayaa u sii ogeysiin karaa dal cadow ku ah meesha uu weerarayo! Tani waxa ay abuurtey shaki weyn oo laga qabo in Israel iyo Iran si run ah cadaawadi uga dhaxayn karto. Dad badan ayaa ku doodaya keliya in Shiicada Iiraan ay rabaan ismuujin siyaasadeed oo ay ku fidinayaan manhajkooda iyo aragtidooda siyaasadeed. Maaddaama oo cadaawad guun ahi ka dhexayso Muslimiinta iyo Yuhuudda waxa ay Iiraan isu dhigtey in ay tahay awoodda keliya ee si dhab ah u weerari karta Israel. Taas oo keentay in aad loo hadal hayo weerarka Tahraan.

2: Buuxinta firaaqa siyaasiga ah ee sunniyiinta.

Taariikhda cusub Sucuudigu iyo Masar waxa ay kala lahaayeen laba aragtiyood oo sunniyiinta ku aaddan. Haddii aan ku horreyno boqortooyada Sucuudiga xilliyadii hore madaxdii soo martey waxa ay faafin jireen manhajka Salafiga ah si ay u kasbadaan quluubta muslimiinta. Runtii taa dhaqaale badan ayey ku bixin jireen walow ay dhaliilo lahaan kartey balse xilliyadii dambe waxa isbeddelaysay aragtida siyaasadeed ee reer Aalu Sacuud ilaa uu talada wax ku yeeshay dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan kaas oo wax badan ka beddelay hannaankii boqortooyadu u socotey.

Sucuudigu waxa uu marba marka ka dambeysay u sii jihaysanayey dariiqada Cilmaaniyadda isla markaana waxa si fudud looga tanaasulayaa mabaadi’dii diimeed. Marka la eego mahrajaannada kala duwan ee ka hor imanaya dhaqanka iyo diinta ee laga hirgelinayo dhulkii rasuulka iyo saxaabada waxaad dareemaysaa in Sucuudigu meel aan fiicnayn u sii socdo. Ku koobnaanta keliya arrimaha dadka Sucuudiga ku dhaqan waxa ay jaanis siisey Shiicada Iiraan oo iyagu u geyfan in ay faafiyaan manhajka shiiciga ah isla markaana ay buuxiyaan booskii Sucuudigu ugu jiri jirey sunniyiinta.

Dhanka kale laga soo bilaabo xilligii Jamaal Cabdinnaasir xukuumadda Qaahira waxa ay ku hawlaneyd in ay hoggaanka u qabato dadyawga carbeed iyaga oo manhajkoodu ka duwanaa kii Sucuudiga ee Selefiga ahaa. Masar waxay barnaamijkeeda ku dhistey Qowmiya-Alcarabiya. Barnaamijkaasi waagii hore si fiican buu u shaqeeyay waxaana aad ka dheehan kartaa midowgii Suuriya iyo Masar ee dhowr iyo lixdankii kuwaas oo la baxey Jamhuuriyadda Carbeed ee Midowdey.

Haddaba markii uu Jamaal Cabdinnaasir geeryoodey madaxdii ka dambeysay waxa ay si aayar aayar ah uga tanaasulayeen manhajkii Qoomiyadda Carbeed ugu dambaynna Mubaarak iyo Siisi ayaa meeshaba ka saarey. Taasina waxay noqotey boos siyaasadeed oo bannaanaadey.
Sidaas darteed falanqeeyayaashu waxay leeyihiin firaaqaa siyaasiga ah ee ka yimid Sucuudiga oo isu dhigi jirey Aabbaha Sunniyiinta iyo Masar oo isu dhigi jirtey Aabbaha Qoomiya-Alcarabiya ayaa keenay in dad badani u dheg taagaan siyaasadda Shiicada Iiraan ee mandaqadda.

3: Soo ceshiga haybadda

Iiraan in marar isxiga laga diley saraakiil door ah waxay ka dhigtey mid aan lahayn saameyn siyaasadeed oo macno leh. Laga soo bilaabo dilkii sarkaal Qaasim Suleymaani oo Mareykanku diley ilaa ugu dambeyn weerarkii safaaradda Iiraan ee Dimishiq Iiraan wax jawaab celin ah oo weyn kama ay sameyn. Sidaas darteed weerarkani wuxu Shiicada uga dhignaa nafis siyaasadeed.

In saraakiil badan ee reer Iiraan ah la diley balse aaney iyagu dilin kuwo u dhigma weli waa halxiraale siyaasadeed oo horyaalla Tahraan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences