59 Askari oo ku dhintay weerarkii Ceeldheer,iyo gaadiid gaashaaman oo laqabsaday [Warsaxaafadeed].

Saturday June 08, 2024 - 12:06:53
Liibaan Jeexoow
Taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee saaka ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in dhimashada ka dhalatay dagaalkii Ceeldheer ay gaartay 59 askari waxaana askarta dhintay kamid ah 2 sarkaal oo udubdhaxaad u ahaa duullaankii uu Xasan Sheekh ku iclaamiyay jihaadiyiinta.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa weerarkii Ceeldheer kusoo qabsaday gaadiid dagaal oo nuuca gaashaaman iyo askar maxaabiis ah.

Related Items

Update cookies preferences