Al Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda qaraxii dadka Kenyaanka ah lagu laayay ee Ceelwaaq ka dhacay.

Tuesday April 30, 2024 - 12:34:27
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay askar iyo shacab Kenyaan ah lagula beegsaday degmo katirsan gobolka Mandheera ee Kenya gummeysato.
Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay kasoo horjeedka saldhigga booliska degmada waxaana qaraxaas ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo isugu jiray askar iyo dad Kenyaan ah oo xoog lagu dejiyay Ceelwaaq.

Kithure Kindiki oo ah wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkan oo ku sifeeyay mid argagaxiso.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxan sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Dhinaca kale weerar ka dhacay deegaanka Dhamaajaaley ee hoostaga degmada Dhadhaab waxaa ku dhintay 1 askari oo katirsanaa maleeshiyaad daacad u ah dowladda Kenya.

Related Items

Update cookies preferences