Itoobiya iyo Somaliland oo sheegay in ladhaqan gelin doono heshiiskii xaaraanta ahaa.

Wednesday May 01, 2024 - 15:58:28
Liibaan Jeexoow
Dowladda Xabashida Itoobiya iyo maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa markale ku dhawaaqay in ay dhaqan gelin doonaan heshiiskii xaaraanta ahaa ee Abiy Axmed loogu saxiixay qaadashada qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Mas'uuliyiin uhadlay labadan maamul ayaa maalintii Talaadada sheegay in ay dhiseen guddiyo labada dhinac ah kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii ciidamada Itoobiya ay saldhig joogta ah uga dhisan lahaayeen xeebaha gobolka Awdal islamarkaana is afgaradkii loogu bedeli lahaa heshiis dhaqangal ah.

Ciise Keyd oo ah wasiirka arrimaha dibadda iyo horumarinta caalamiga ee maamulka Muuse Biixi ayaa shabakadda Deutsche Welle ee dalka Jarmalka laga leeyahay usheegay in ladhisay guddiyadii farsamada islamarkaana dhowaan laga shaqeysiin doono heshiiskii ay labada dhinac saxiixeen 1,1,2024.

Mas'uul uhadlay dowladda Itoobiya ayaa isna dhankiisa sheegay in labada dhinac ay soo dhammeystiri doonaan tallaabooyinka dhaqangal ka dhigaya heshiiska,wuxuu carrabaabay in labadii bil ee ugu dambaysay ay labada dhinac yeelanayeen wadahadallo ku aaddan sidii heshiiska loo dhameystiri lahaa.

'Somaliland' waxay sheegaysaa in Itoobiya ay dowlad madax banaan u aqoonsan doonto taas bedelkeedna ay siin doonaan xeebaha degmada Zeyllac.

Heshiiskii xaaraanta ahaa ee Muuse Biixi uu Abiy Axmed kusiiyay badda Soomaaliya ayaa diidmo adag kala kulmay hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ku goodiyay in Itoobiya laga xoreyn doono badda iyo Barriga Soomaaliyeed.

Caddeymahan ay bixinayaan madaxda maamullada Addis Ababa iyo Hargeysa ayaa khilaafsan sheegashooyinka Xasan Gurguurte ee ah in heshiiskii Itoobiya badda lagu siiyay uusan dhaqangal noqon doonin.

Related Items

Update cookies preferences