Madaxa sirdoonka Turkiga oo la kulmey Xasan Sheekh.

Wednesday May 01, 2024 - 09:59:40
Liibaan Jeexoow
Habeenkii xaley ahaa waxa magaalada Muqdisho ku kulmey madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Gurguurte iyo Madaxa Sirdoonka Turkiga Ibraahim Kaalin. Kulankooda ayaa daarranaa sida la sheegay 'iskaashiga laba geesoodlaha ah' ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Madasha uu kulanku ka dhacey waxa sidoo kale xaadir ku ahaa Sanbalooshe oo Xukuumadda Muqdisho ee shisheeyuhu ilaaliyo ugu magacaaban Sirdoonka.

Ibraahim Kalin waxa uu shaqada agaasimaha ee Hay’adda Sirdoonka Turkiga ee MIT la wareegay bartamihii sannadkii tagey ka dib markii xilkaa laga wareejiyey Hakan Fidan oo xilkaa in muddo ah hayey.

Ibraahim waxa uu hore u soo noqday Afhayeenka madaxtooyada iyo la taliyaha arrimaha dibedda ee Erdogan. Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa ayaa horraantii sannadkan heshiis la galey xukuumadda Ankara kaas oo sida la wariyey ku saabsanaa ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo soo saaridda saliidda cayrin ee Soomaaliya.

Dhawaan waxa uu Turkigu ku dhawaaqey in shidaalka Soomaaliya ee xeebta ceegaaga la soo saari doono bartamaha sannadka soo socda ee 2025. Laakiin DF ayaa jiritaankeeda la geliyey calaamatu-su’aal maaddaama oo aan la garan karin in ay sii jiri karto ka dib bixitaanka ciidamada shisheeye ee December, 2024.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences