James Swan oo markale loosoo magacaabay Wakiilka Q.Midoobay ee Soomaaliya.

Wednesday May 15, 2024 - 15:35:10
Liibaan Jeexoow
Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa cusboonaysiisay muddada xafiiskeeda Soomaaliya iyadoona soo magacaawday Ergay cusub.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xogyaha guud ee Q.Midoobay ayaa James Swan loogu magacaabay wakiilka Soomaaliya.

Swan oo ah diblumaasi udhashay dalka Mareykanka ayaa intii udhaxaysay 2019-2022 soo noqday wakiilka Q.Midoobay ee Soomaaliya sidoo kale wuxuu soo noqday safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

James Swan wuxuu noqonayaa ninka sida rasmiga ah umaamula Soomaaliya waxaana hoos imaanaya dhammaan maamullada dabadhilifyada ah ee dalka ka jira oo ay kamid tahay dowladda Xasan Sheekh.

Related Items

Update cookies preferences