Wasiirka Difaaca Yuhuudda oo amar ku bixiyey in Daanta Galbeed laga mamnuuco Aljazeera.

Wednesday May 15, 2024 - 19:30:53
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Difaaca maamulka Yuhuudda ee duullaanka ku ah dhulka Falastiin ayaa amar ku bixiyey in Telefishanka Aljazeera laga xiro Daanta Galbeed ee Falastiin.
Yoav Galanta oo Yuhuudda ugu magacaaban Wasiirka Difaaca ayaa codsigan la wadaagey Madaxa Shaqaalaha Yuhuudda Herzi Halevy sida ay warbaahintu werisay. Xukuumadda Netanyahu oo u adkeysan wayday wararka xaqiiqda ku saleysan ee Telefishanka Al Jazeera tabiyo ayaa 5 May ee bishan aynu ku jirno albaabada isugu laabey xaruntii telefishanka ee dhulka maamulkaasi ka arrimiyo.

Warmurtiyeed ka soo baxey Al Jazeera waxa lagu cambaareeyay falkii Netanyahu ku xirey xaruntii telefishanka isla markaana waxa ay ku tilmaameen tallaabo lagu marin habaabinayo xaqiiqada iyo been abuur.

Maamulka Sahaayinada ee Israel oo dagaal ku qaadey Marinka Qaza waxa uu wajahayaa culaysyadii ugu darnaa ee saxaafadeed iyo dublomaasiyadeed tan iyo intii maamulkaasi jirey.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences