Xaaladda caafimaad ee R/wasaaraha Slovakia oo laga dayrinayo kadib markii latoogtay.

Thursday May 16, 2024 - 09:13:49
Liibaan Jeexoow
Maalinnimadii shaley waxa weerar toogasho ah loo geystay Raysal Wasaaraha Slovakia Robert Fico. Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu shan xabbadood ku dhuftey Raysal Wasaaraha oo ka soo baxey shir bartamaha magaalada Handlova.
Fico waxa markiiba loo qaadey cisbitalka qaybta xaaladaha degdegga halkaas oo loogu sameeyay qalliin.

Raysal Wasaare Xigeenka iyo Wasiirka Difaaca oo maanta warbaahinta la hadlay waxa ay tibaaxeen in xaaladda Raysal Wasaaruhu adag tahay isla markaana ay gaareen dhaawacyo halis ah.

Masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Slovakia waxa ay sheegeen in ay la hadleen RW Rober Fico waxa aaney xuseen in inkasta oo uu Fico awoodo in uu hadlo laakiin ay yihiin kelmado kooban. Eedaysanaha loo xirey in uu falkan geystay ayaa ah 71jir qoraa ah.

Fico oo da’diisu tahay 59 sano ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka soo horjeestay qaabka Reergalbeedku u wadaan dagaalka Ukraine waxa aanu heshiisyo la galey Ruushka isla markaana waxa uu diidey in dalkiisa la sii mariyo waxkasta oo Ruushka caqabad ku keenaya.

Dhanka kale Afhayeenka Aqalka Kremlin Dmitry Peskov oo dhambaal murugo ah la wadaagey Dawladda Slovakia ayaa dhacdadii shaley lagu waxyeelleeyay RW Fico ku tilmaamey musiibo.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences