Yuhuudda oo qirtey in 5 askari lagaga diley iska hor imaadyadii shaley ee Jabaaliya.

Thursday May 16, 2024 - 13:21:43
Liibaan Jeexoow
Maamulka Yuhuudda ayaa qirtey in dagaalladii shaley Arbacadii lagaga diley 6 askari halka dhaawacoodana ay ku sheegeen 16 askari.
 Tan ayaa ka dambeysay ka dib muuqaallo ay baahiyeen garabka dagaal ee Xarakada Xamaas Cizu-diin Qasaam kuwaas oo sheegay in ay dileen ilaa dhowr iyo toban askari oo Yuhuud ah.

Waxa sii kululaadey iska hor imaadyada u dhexeeya Ciidanka Yuhuudda ee duullaanka ah iyo Xoogagga Muqaawimada Shacabka Falastiin ee Xamaas. Dagaalladan ayaa xooggoodu ka socdaa Xerada Jabaaliya oo Waqooyiga ah iyo Rafax oo ah Koonfurta Marinka Qaza.

Taliska Yuhuudda ayaa lagaga diley dagaalka inta la ogyahay 627 askari oo ay ku jiraan saraakiil sarsare. Waxa se la rumeysan yahay in tiradu intaa ka badan tahay. Ilo warbaahineed oo Yuhuuddu leedahay ayaa tibaaxdey mar sii yara horeysay in 20 askari oo isugu jira saraakiil iyo ciidan lagu qarxiyey dhisme ay ku sugnaayeen shaleytoole.

Warbaahinta ayaa tebinaysay diyaarado helicopters ah oo lagu daabulayo dhaawacyada iyo dhimashada Ciidanka Israel.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences