Kumuu ahaa Ibraahiim Ra'iisi madaxweynihii Iiraan ee geeriyooday?.

Monday May 20, 2024 - 16:14:50
Liibaan Jeexoow
Ra'iisi bidix
Ra'iisi bidix
Ibraahiim Ra'iisi madaxweynihii halaagsamay ee dowladda Shiicada Iiraan wuxuu kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa nidaamka Tahran ee caanka ku ah xasuuqa muslimiinta sunniga ah.
Ninkan ayaa labaatameeyo sano kasoo shaqeynayay garsoorka dalka isagoo mas'uul ka ahaa xukunno daldalaad ah oo lagu fuliyay mucaaraadka dowladda Shiicada iyo dhalinyaro muslimiin Sunni ah oo loo heystay diinka ay aaminsanyihiin.

Ibraahim Ra'iisi wuxuu ahaa gacanta midig ee Ayatullaahi Cali Khamani, waxaa lagu xusuustaa in uu xukuno toogasho ah ku riday inkabadan 30,000 oo maxaabiis ah.

Wuxuu ku dhashay magaalada Mash-had ee wadanka Iiraan sanaddii 1960-kii, intii udhaxaysay sanadihii 1989-1994 ayuu xilal sarsare oo dhanka garsoorka ah ka qabtay dowladda balse sanaddii 2004 ayaa loo magacaabay dacwad soo oogaha guud ee Iiraan wuxuuna xilkan hayay illaa 2014-tii.

Sanaddii 2016 ayaa loo magacaabay madaxa hay'adda Imaam Ridaa iyo Majmaciisa, waa hay'ad dhaqaale xooggan uu kasoo galo qabuuraha shirkiyaatka lagu sameeyo.

Sanaddii 2017 ayuu Murshidka guud ee Iiraan ufasaxay in uu noqdo musharax ka qeyb gala doorashooyinka madaxtinimada balse waxaa ka adkaaday Xasan Ruuxaani.

Sanaddii 2021 ayuu ku guulaystay doorashooyinkii madaxtinimada maadaama uu ahaa siyaasi uu keensaday Aayatullaahiga dalka maamula.

Related Items

Update cookies preferences