Maleeshiyo beeleed hubaysan oo ciidamo katirsan Danab ku weerartay deegaan katirsan Sh/dhexe.

Thursday May 23, 2024 - 14:04:34
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad hubaysan oo deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe ku dhaxmaray maleeshiyaad hubaysan.
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed deegaanka ah ay weerar culus ku qaadeen ciidamo katirsan DF-ka xilli ay halkaas ku socdaalayeen.

Iska hor'imaad muddo daqiiqada ah socday ayaa dhaxmaray ciidamada Mareykanku tababaray ee loo yaqaan Danab iyo maleeshiyo beeleed kasoo jeedda deegaanka.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 askari oo katirsan Danab ay ku dhaawacmeen iska hor'imaadka iyadoona dhaawacyada sedax kamid ah askarta ay aad uliitaan.

Iska hor'imaadkan ayaa salka ku haya xurgufta udhaxaysa beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay tobaneeyo qof siyaaba kala duwan isaga dilay.

Related Items

Update cookies preferences