Saciid Deni "Puntland lama dardari karo xaqeedana lama maroorsan karo".

Thursday May 23, 2024 - 14:10:03
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa markii ugu horraysay si toos ah uweeraray Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka.
Saciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeedinayay shir ka dhacay magaalada Garowe ayaa sheegay in aysan dhaqan gal noqon doonin tallaabooyinka uu Xasan Gurguurte qaaday ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Wuxuu carrabaabay in marnaba aan maamulka Puntland laga maroorsan karin waxa uu ugu yeeray xaqiisa siyaasadeed ee uu leeyahay "La isma muquunin karo, la' ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi"ayuu yiri Siciid Deni.

Xasan Sheekh ayaa bilo ka hor baarlamaanka ka meelmarsaday waxka bedelka dastuurka kadibna wuxuu muqdisho ku shiriyay qaar kamid ah madaxyada maamul goboleedyada waxayna isla qaateen muddo kororsi.

Related Items

Update cookies preferences