Al Shabaab oo weeraro khasaara dhaliyay ka geystay degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolka Baay.

Saturday May 25, 2024 - 11:13:17
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weeraro culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Baay.
Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in weerar qorshaysan oo dagaalyahannada Al Shabaab ay ka fuliyeen gudaha degmadaas lagu dilay 2 askari oo katirsanaa ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Sidoo kale weeraro culus ayaa lagasoo sheegayaa deeganka Awdiinlle iyo degmooyinka Diinsoor iyo Qansaxdheere oo kawada tirsan gobolka Bay islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences