Qarax lagu dhaawacmay ciidamo katirsan Nabad Sugidda oo Baydhabo ka dhacay.

Sunday May 26, 2024 - 13:55:08
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in markale weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday magaalo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka dowladda.
Jihaadiyiinta Al Shabaab ayaa xalay qarax ku weeraray bar koontarool oo maleeshiyaadka Nabad sugidda ay ku lahaayeen xaagadda Warsame Indhool ee magaalada Baydhabo.

Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Related Items

Update cookies preferences