Ciidanka Yahuudda oo dad barakacayaal ah ku xasuuqay deegaanka Rafax.

Monday May 27, 2024 - 11:49:13
Liibaan Jeexoow
Markale ciidamada Yahuudda sahyuuniyada ayaa xasuuq aan kala sooc laheyn ka geystay dhulka Falsdiin ee gummeysiga kujira.
Wararka ka imaanaya jiidda Qaza ayaa sheegaya in Yahuuddu ay duqeymo culus ugeysteen teendhooyinka barakacayaasha Rafax waxaana halkaas ku shahiiday ku dhowaad 40 ruux.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka shahiiday oo ubadan haween iyo carruur ay ku dhax gubteen teendhooyinkii ay jiisanayeen.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay meydadka shuhadada oo ku gubanaya Teendhooyinka.

Wuxuu ahaa xasuuq bahalnimo leh oo ku daba faylaya gummaadka joogtada ah ee ciidamada Yahuudu ugeysanayaan muslimiinta Falasdiin.

Related Items

Update cookies preferences