Al Shabaab oo weeraro ku miray saldhigyo ay ciidanka ATMIS iyo Itoobiya ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Tuesday May 28, 2024 - 13:29:43
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro culus markale lagu miray dhowr saldhig oo ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa shisheeyaha Afrikaanta ATMIS ay ku sugnaayeen.
Dadka deegaanka ayaa lagasoo xigtay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus oo ay labada dhinac is dhaafsaneyeen balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegayay in weerar culus xalay lagu miray saldhigga ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha degmada Baraawe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerar kale lagu qaaday isla saldhig ay ciidamaa Uganda ku leeyihiin xaafadda Buur Coloow ee magaalada Baraawe.

Related Items

Update cookies preferences