Jeneraal Qaasim Suleymaani oo isagoo Dhabanada Haysta Dul Fadhiistay Qabriyada Saraakiil iiraan Looga Dilay Dalka Suuriya Sawirro.

Wednesday November 11, 2015 - 10:12:10
Super Admin
Maleeshiyaadka shiicada Iiraan ayaa si xun loogu jebiyay dagaallo culus oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo badan oo katirsan wadanka Suuriya.


Dowladda Iiraan iyo Ururka Xisbullaah isku magacaabay ayaa waayay boqolaal dagaalyahan oo qaar kamida ay ahaayeen saraakiil sarsare,taliyaha ciidamada Kacaanka Iiraan Jeneraal Qaasim Suleymaani ayaa sheegay in musiibo ay kala kulmeen dagaalka Suuriya.

Saxafi iiraani ah oo ku dhaw hoggaanka taliska ciidanka kacaanka Iiraan ayaa baahiyay sawirro si sir ah loogasoo qaaday Jeneraal Qaasim Suleymaanin isagoo dul fadhiya qabriyada saraakiil iiraaniyiin ah.

Shabakadda Al-junuubiyah ee laga leeyahay wadanka Lubnaan ayaa faafisay sawirrada Jeneraal Suleymaani oo dhabanada heysta islamarkaana wajigiisa murugo laga dareemayay,taliyaha ciidanka Kacaanka Iiraan ee qeybta dibadda ayaa murugo aawgeed wuxuu dul fadhiistay qabriga saraakiil looga dilay magaalada Xalab.

Ragga firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Suuriya ayaa baraha internetka ee bulshadu ku wada xariirto ku falanqeeyay sawirada Suleymaani,mid kamida saxafiyiinta Suuriya ayaa yiri "waa guul weyn waa kaas Jeneraal Suleymaani ku dul illimaynaya bakhtiga saraakiishiisa suuriya lagu laayay”.

Iiraan ayaa 100-kun maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal shiica ah u dirtay wadanka Suuriya waxayna difaacaysaa xukuumadda Nuseyriga ah ee uu madaxda ka yahay Bashaar Al-asad.

Jeneraal Suleymaani taliyaha Maleeshiyada Feylaq-qudus ayaa awood ku leh wadamada Ciraaq iyo Suuriya waxaana la sheegaa in uu dhanka maamulka uga sarreeyo madaxda wadamadaasi.









Related Items

Update cookies preferences