Sawirro:Q.2-aad Al Shabaab Oo Gaadiid Gaashaaman iyo Saanada Hub ah Ka Furatay Ciidanka Kenya+Maxaabiis.

Thursday January 21, 2016 - 11:24:51
90375
Ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku dhigay saanada hub ah iyo gaadiid dagaal oo melleteriga Kenya ku heystay degmada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.


Mu’asasada Al-kata’ib garabka warbaahineed ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay sawirro ay kasoo muuqanayaan gaadiidka gaashaaman ee caanka ku yihiin ciidamada AMISOM oo mujaahidiinta ugacan galay iyo gaadiid kale oo gubanaya.

Sidoo kale mujaahidiinta soomaaliya ayaa tobanaan sanduuq oo rasaas ah ka rartay xerada Xarada melleteri ee Ceel-cadde,gaadiidka mujaahidiintu qabsadeen waxaa kamid ah Taaw,Kufaaroow iyo 28 gaari nuuca Laanroobalka loo yaqaan.

Markii ugu horraysay ayaa lasoo bandhigay qaar katirsan maxaabiista ciidanka Kenya looga qabtay dagaalkii Ceel-cadde,dhowr askari Kenyan ah oo gacanta ka xiran islamarkaana ay hareer taaganyihiin dagaalyahanno shabaabul Mujaahidiin katirsan ayaa kasoo muuqanaya sawirrada ay Al-kataib baahisay.

FG:Halkan Ka Daawo 134 sawir gaadiid dagaal+meydadka askarta Kenya




Embedded image permalink
Embedded image permalink
Embedded image permalink
Embedded image permalink
Embedded image permalink

Embedded image permalink
Embedded image permalink





083






Embedded image permalink
Embedded image permalink
Embedded image permalink
Xigasho:Alkata'ib Media

Related Items

Update cookies preferences